About Course
Barashada Artificial Intelligence (AI) waa xirfad dhinacyo badan taabanaysa oo ku baraysa sida loo adeegsado xoogga kombiyuutarka si loo abuuro waxyaabo maskaxda bini-adamka uun laga filan jiray. Koorsadan dhexdeeda, waxaad ku baranaysaa sida loo dhiso ama loo adeegsado Chatbots aqoon badan oo la sheekaysan kara macaamiisha, iyo sida loo isticmaalo moodallada soo saara sawirrada (Image Generation) iyo muuqaallada (Video Generation) adiga oo kaliya qoraal (Prompt) u dhiibaya. Waxay sidoo kale ku baraysaa farsamooyinka lagu tababarto luuqadaha (Language Practicing) iyo naqshadaynta casriga ah ee Thumbnails-ka iyo alaabta ganacsiga (Product Design), taas oo kuu sahlaysa inaad si degdeg ah u soo saarto nashqado tayo leh. Si kooban, barashada AI waxay isku xiraysaa hal-abuurka qoraalka, farshaxanka, iyo tignoolajiyada, iyadoo kuu suurto gelinaysa inaad qabato shaqooyin adag muddo kooban gudahood.